NISA oo ciidan, Hub iyo Gaadiid dagaal ku wareejisay Booliska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal ay ku wreejisay Booliska Soomaaliya.

Warqad uu ku siixan yahay Fahad Yaasin, agaasime ku xigeenka NISA, ayaa lagu xaqiijiyay in 1,728 Askari, 25 gaadiidka dagaalka ah loo gacan geliyay taliyaha Booliska Jen Bashiir Cabdi Maxamed.

Qoraalka oo ku taariikhaysan 2-dii bishan September ayaa lagu sheegay go'aankan uu yimid kadib markii xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo amartay in Booliska lagu wareejiyo hub, ciidan iyo daagiidka.

"Anagoo fulineyna amarkii golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa wareejin ciidan, gaadiid iyo hub laga wareejinayo ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo nabad Sugidda qaranka laguna wareejinayo ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uu ku simaha agaasimaha guud ee NISA, ahna agiisime ku xigeenka halkan ku wareejinayaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ciidan tiradoodu tahay 1,728, oo ka kooban 1,522 ciidan hubeysan, 506 dharcad ah," ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale wuxuu Fahad Yaasin wareejiyay gaadiid dagaal oo tiradoodu gaareyso 25 oo isagu jira 13 Cabdi-bille oo hubeysan, iyo 12 cabdi-bille oo dul-banaan.

Qoraalkan waxaa kuwada siixan Fahad Yaasin, agaasime ku xigeenka NISA iyo taliyaha Booliska Jeneraal S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed [Bashiir Ameeriko].

Lama oga sababta ka dambeysa tallaabadan, balse waxay kusoo beegmaysaa xilli NISA oo ah Hay'ad Sirdoonka kaliya inay ka shaqeyso loogu tala-galay ay ku milantay siyaasadda, islamarkaana si gaar ah u adeegsadaan madaxda Villa Somalia.

WARQADDA NISA EE KU SAXIISAN FAHAD YAASIN:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM