Dal shaaciyey in uu Soomaaliya deynta ka cafinayo uuna siinayo mid cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa shaacisay in Norway ay Soomaaliya siin doonaan deyn gaareysa 3.1 bilyan oo lacagta dalkaas ah, una dhiganta 353 milyan oo Doollar.

Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA.

Tani ayaa Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii (xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed.

Wasiiradda ayaa tibaaxay in Soomaaliya ay wali ku sugan tahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada dowladnimadda.

Deynta cusub ayaa nan ku dhaceyn qasnada Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso Sanduuqa Horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn qaadasho.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareysa aduun lacageed dhan 4.7 bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Muqdisho ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda kasoo gudubtay saddex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Sadex meelood meel kamid ah [1/3] deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hay'addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hay´adda lacagta IMF iyo Bankiga Aduunka.

Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey'addahaas.

Norway ayaa sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika.

Waxaana dhiman oo kali ah wadan saddexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hay'adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Norway, Dag-Inge Ulstein, ayaa xustay in hadii sadexdaas deyn meel la saaro, ay Soomaaliya toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC.

Ine Eriksen Søreide ayaa ku adkeysatay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go'aan ka gaarista barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Norway ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Ulstein ayaa dhanka kale daboolka ka qaaday in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto $16 milyan oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga sanadka danbe la isugu imaado kulanta ka dhici doono magaalada Paris.

Norway ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxeyna sanadkii lasoo dhaafay ugu yaboohdey 62 milyan oo Doollar, taasi oo loogu talogalay dhinacyadda amniga, siyaasada iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM