Qaabka ay dadka waayeelka ah uga badbaadi karaan Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sidda ugu haboon ee dadka waayeelka ah uga badbaadi karaan Corona waa in ay taxadaraan, kana fogaadaan bulshadda, sidda uu sheegay tala-bixiyaha caafimaad ee Covid-19.

Dr. Maxamed Maxmuud Cali [Fuje], oo dowladda federaalka Soomaaliya u qaabilsan tala-bixinta qaababka loo xakameyn karo, ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in dhalinyarada guriyahooda joogan.

Maadaama da'yarta dhaqdhaqaaqooda uu badan yahay, sidda uu tibaaxay dhakhatar, waxaa suurtagal ah in hoygooda geeyaan cudurka.
Isagoo si gaar ah u dul-istaagaya talaabooyinka ay tahay in dadka waayeelka ah ay qaadaan si ay uga badbaadaan caabuqa, Fuje ayaa ku booriyey faraxalka badan, hadii ay ka baaqsan waayaan inay gurigooda joogan.

Sidda uu ka dhawaajiyey tala-bixiyaha, gacma-dhaqashadda waxaa waajib ah in loo adeegsado Saabuun ama jeermis-dilaha.

"Horta gacmaha Saabuunta lagu dhaqayo maxay macnaheedu tahay? Fayruskan waxaa ku daboolan xoogaa yar oo baruur ah; baruur maxaa loola jeedaa? Hadii gacmahaaga baruur ay yeeshaan maxaa la sameeyaa? Waxaa lagu sameeyaa biya yar oo qandac ah iyo saabuun oo oburineysa ayaa lagu dhaqaa, saabuunta oburineysa isaga [fayruska] ayay banaanka soo dhigeysaa ma noolaan karo markaa, waa difaac la'aan isaga naftiisu. Alcohol-ka gacanta lagu shubayo haddii uu ka badan yahay 70 boqolkiiba wuxuu baabi'inayaa dahaarkaas korka ka saaran; [fayruska] cidiyaha ayuu kaa gelayaa, dharka hadaad dhaqdo ha jifin sidiisa ku daa' oo sidiisa Qoraxda ugu dhig, waxaa la rabaa in aan taxadarkaas muujino," ayuu Dr Maxamed Fuje carabka ku adkeeyay.

Dhakhtarka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay xirashadda maaskarada [gafuur-xirka]. Wuxuu ku sifeeyay "qurux iyo badbaado". Dhalinta ayuu ku waaniyey in ay u qaataan "fashion-ka cusub".

Dhanka kale, maamulada ayuu u soo jeediyay in ay ku tartamaan ololaha la dagaalanka xanuunka iyo in degaanadooda uusan ku faafin.

Mar uu dul-istaagey arrinta ku saabsan in xanuunka uusan ku faafin goobaha kuleelada ah, Dr Fuje ayaa hoos u dhigay hadalheyntaas, wallow uu hoosta ka xariiqay in qabowga uu si baaxad weyn ugu faafo.

"Qoraxda macaan ee Ilaahey na siiyey hadii ay jeermiska naga disho barwaaqo ayay noo tahay, laakiin ma ahan in aan seexano, dowladdo naga kulul ayuu geedka [fayruska] ku jiraa; marka waxaan dhihi lahaa dhalinyarow dedaalka maanta idinka ayuu idin ku jiraa," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, dadka waayeelka ah ayuu ku baraarujiyey in ay deg-deg ku gaaraan xarumaha caafimaadka hadii ay isku arkaan calaamadaha xanuunka si loo badbaadiyo noloshooda loogana hortaggo faafitaanka.

MUUQAALKA DR FUJE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM