MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.
Talaabadan ayaa waxaa lagu qeexay in ay tahay mid ku meel gaar ah, sidda xaqiijiyeen saraakiil sar-sarre oo ka tirsan Waaxda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa sababta lagu sheegay "howlo farsamo iyo hormarin ah".
Bayaanka ayaanan lagu caddeynin talaabooyinka isbedel ee la qaadayo, balse waxaa lagu xaqiijiyey in ay quseyso dhanka habka bixinta baasaboorka.
Hakinta ayaa bilaaban doonta 27-ka Janaayo, 2020, waxayna ku eg tahay 2-da Febraayo, 2020, sidda ku xusan warqadda.
"Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Janaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo aad u kooban.
Sikastaba, dhowr jeer ayay horey u dhacday arrintaan oo kale, wallow mas'uuliyiinta aan looga baran wargelin noocaan ah, taasoo u horseedi jirtay dhaliilo culus.
GAROWE ONLINE