Qabashada doorashada Soomaaliya ma in tabar lagu saleeyo mise taako?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa dhex-dabaalaneysa mid kamid ah mar-xaladihii ugu jahwareersanaa ee hubanti la'aan ku geedaaman in doorashada madaxtooyadda iyo baarlamaanka ay waqtigooda ku qabsoomayaan.

Xumaan iyo samaan max-suulka laga dhexlo waxaa dusha u ridanaya hogaanka talada haya sidda dowladihii ka horeeyay lamid ahaayeen.

Aragtiyaha isku haya coddeynta 2020-21 waa kuwa banaanka yaala. Villa Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinayaan doorasho ka duwan midi qabsoontay 2016-kii si uu ololaha ugu galo.

Balse dhinacyadda kasoo horjeeda oo ka goos-adeegaya in ay si sahlan dhibco siyaasadeed ku siiyaan madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, murashaxana ah ayaa ku doodaya in uusan harin xilli lagu tijaabiyo nidaam cusub.

Marka ay halkaas taagan tahay, dooda ayaa kusoo biyo shubaneysa "ma tabar ayaan talaabsanaa iyo taako?". Tabartu waa in la qabto nooca doorasho ee dhici karta, Taakada waa in doorasho ka duwan tii 2018 ay dhacdo.

Hogaamiyeyaasha miiska wadahadalka fadhiya ayaa dhankooda waxay u muuqdaan kuwa aanan isu tanaasuleyn, waxaana arrintaas ay abuureysa dooda oo sii daba dheeraata iyo dowlada oo waqtigeeda ka dhamaado.

Tani ayaa dhabaha u xaareysa firaaq dastuuri ah oo ku yimaada Hay'addaha Dowladda, talaabadaas oo qalalaase siyaasadeed dhalin kareysa.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya kana mida murashaxiinta doorashada soo aadan isla markaana xilka ku wareejiyay Farmaajo, ayaa dalbay in qabashada coddeynta soo aadan lagu saleeyo tabar.

"Madaxweynaha mar wuxuu dadka ku madadaalin jiray doorasho qof iyo coda qabaneynaa. Doorasho qof iyo cod waa waxa ugu fiican ee dowladnimadeedana ay kusoo talaabsan lahayd, laakiin shaqay u baahan tahay, waxay u baahan tahay in lasoo bilaabo oo laga soo shaqeeyo; wadadii la mari lahaa in lasii dhiso ayay u baahneyd waxbana lagama qaban. 90 maalmood iyaddoo waqtiga doorashada ka harsan yahay ayaa madaxweynaha afkiisaba doorasho kasii baxday sidiisaba. Haka soo bax da ee waliba meel uma socoto," ayuu Talaadadii xusay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Ma tabaraa guurnaa mise taako? Taako iskuma hubnee tabar aan guurno. Waxaan leeyahay nimankaas madaxda ah tabar hala guuro. Maanta illaa maalmaha doorashada xiligeeda ka dhiman nooca doorashada ee la qaban karo hala qabto. Qurux dhalan-teed ah oo aan waxba ka jirin, yaan lagu riyoonin oo berrina salka ku wadata waa la qaban-waayey saddex bilood kalaa u baahan nahay bil kale aan kusii darno maya xaga kale aan ka dhacno iyo ma yeelaneyno ma yeeleyno inta la yiraahdo berri la isku imaan waayo ama wadamada federaalka qaarkood sidda ka dhacdey dowlad goboleedyo qaarkood in ay doorasho iska qabsadaan warkooda kuma jirno nimanka Xamar joogo inta yiraahdaan in ay doorashadooda iska qabsadaan; Soomaalida marka ay baarlamaan soo doorato hanoo soo sheegto annaga kayna waa kanaa waan soo dooranay waa noo joogaa hee in aaney dhicin haddana.

"Khataraha, dhibka iyo hantaataqada dhici karta in inta laga fekero, laga gaashaanto oo aan dalka loo hoosaasin [waaye]," ayuu kusoo xiray hadalkiisa hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan shaqeynaya ayaa dhamaanaya November, 2020, halka madaxweynaha uu ka dhacayo Febraayo, 2021, taasoo la macno ah in ay u hartay in ka badan 100 maalmood, walina lagama heshiin doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM