Qadar oo waraaqihii aqoonsiga ka gudoontey diplomaasi cusub, waa kuma?

Image

DOHA - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi ayaa waraaqihii aqoonsiga ka gudoomey safiirka cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiyi doona Doha, Abdirizaq Farax Cali “Taano”. 

Abdirizaq Farax Cali “Taano” oo horey u ahaan jirey safiirka dalka Soomaaliya ee dalka Cumaan ayaa waxaa xilkaan u xushay Ninka ugu tunka weyn dowlada Madaxweyne Farmaajo ee Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo horey u ahaa agaasimaha Madaxtooyadda [Villa Somalia], hadana loo magacaabey Agaasime ku xigeenka hay’ada sirdoonka NISA, ayaa safiirka cusub ee dalka Qadar waxa uu yahay Seedigiis.

Candirizaq Farax Cali ‘Taano’ ayaa sidoo kale waxa ay walaalo yihiin Axmad Faarax Idaajaa oo kamid ah suugaanleyda Soomaalida.

Agaasime ku xigeenka hay’ada NISA Fahad Yaasiin oo la shaqeyn jirey hay’adaha sirdoonka dalka Qadar ayaa waxuu lug weyn ku lahaa iney xilalaka ugu sareeya dalka Soomaaliya qabtaan Madaxweynayashii ku guuleystey xilalka sanadihii 2012 iyo 2017.

Fahad oo dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh is-khilafeen sanadkii ugu dambeeyey ayaa inta uu talada ku lahaa Villa Somalia waxaa Qunsolo iyo Safiiro u kala magacaabey xubno ay isku fikir yihiin iyo kuwo loo diyaarinayey iney qayb ka noqdaan mustaqbalka qorshihiisa siyaasadeeed kaasoo dalka Qadar dabada ka riixayay. 

Dhinaca kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin u wado nin kale safiirka u fadhiyi doona Soomaaliya dalka Itoobiya kasoo xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in codsigiisa loo direy Addis Ababa.

Safiirkaan oo magaciisa la yiraahdo Cali Shariif ayaa sida xogtaan sheegeyso waxaa horey ugu magacownaa dalka Faransiiska.

Cali Shariif oo waraaqihii aqoonsiga gudoonsiinaya madaxweynaha Faransiiska

Cali Shariif ayaa horey uga mid ahaa xubnihii Fahad Yaasiin u magacaabey xilkaan markii uu dalka Soomaaliya Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka ka degay horaantii 2017.

Dowladnimada Soomaaliya ayaa burburtey 1991, waxaana maamuladii dalka soo maray 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ragaadiyeen musuqmaasuq iyo nin jecleysi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM