Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartey la dagaalanka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab kaliya ma ahan halis milatari balse waxay khatar ku ah horumarka Soomaaliya, sidda uu ka dhawaajiyey ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho, James Swan.

Diblumaasigaan Ameerikaanka ah ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in ay sii socdaan howlgaladda ka dhanka ah maleeyshiyaadka.

Isagoo u waramaya wargeyska Turkiga kasoo baxa ee Daily Xayaat, Mr Swan ayaa ku nuux-nuuxsaday in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay wali tahay halis aan la iska indhatiri kara ayna fulin karaa weeraro abaabulan.

"Waxaan ku kalsoonahay in qaabka argagxisinimo ee Al-Shabaab iyo hadafkooda qaloocan ee mustaqbalka dalka aysan aakhiritaankii taageero ka dhex-heli doonin Soomaalida dhexdooda," ayuu carabka ku adkeeyay Swan.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisay laba kamid ah weeraradii ugu dhimashada taariikhda waddanka – xasuuqii Soobe iyo qaraxii isgoyska Ex-kontarool Afgooye oo ay boqolaal rayid ku leedeen.

"Isla waqtigaas, Al-Shabaab wali waa falaago iska caabin sameyn karta. Waxay sii wadaan weeraro abaabulo; waxay adeegsadaan qaraxyo, waxaana ay muujinayaan in ay awood u leeyihiin ficilada milatari," ayuu xusay.

Dowladda waqtiga ka dhamaanayo ee madaxweyne Farmaajo ayaa ku fashilantay fulinta balanqaadkeeda in ay laba sano kusoo afjareyso Al-Shabaab.

"Waa mid waajib ay tahay in aan xuso in khatarta Al-Shabaab aysan kaliya ahay mid milaatri. Balse waa guud ahaan shaqada laga qabanayo Soomaaliya ee dhismaha hay'addaha dowladda, in dowladda ay wax ku ool noqoto, in ay u adeegto dadweynaha, in ay u cadaalad fasho iyo in ay sarre u qaado horumarka waddanka," ayuu kusoo gabagabeeyay danjire James Swan.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertey Qaramada Midoobay ayaa kusoo hagaageysa xilli waddanka isu diyaarinayo doorashooyin isla markaana ay sarreyso walaaca ku aadan in ay saameyn ku yeelato soona saarato murashaxiin taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM