Qarax culus oo AMISOM lagula eegtay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolonyo gaadiid military oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta qaraxa xooggan lagula eegtay duleedka Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay lagula eegtay ciidamada Burundi, ee qeybta ka ah AMISOM degaanka Arbacow, oo katirsan Ceelasha Biyaha.

Ciidamada ayaa xilliga weerarka ka soo baxay saldhiggooda Arbacow, waxayna kusoo jeedeen magaaladda Muqdisho.

Rasaas xooggan ayay ciidamada rideen qaraxa kadib, iyadoo goobta laga jiiday gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Burundi, iydoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Qaraxyada noocan ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay wadada isku xirta magaaladda caasimadda iyo gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtaa gaadiidka ciidamada DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM