Qarax culus oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa goordhaw laga maqlay bartamaha magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa miino nooca meelaha fog laga hago uu ka dhacay xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhigley.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxan, oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, iyadoo dadka goobta ku sugan ay soo sheegayaan in lala eegtay gaari uu la socday qof mas'uul ah.

Miinada ayaa lagu aasay inta uu dhaxaysa saldhiga Booliska degmada iyo Isgoyska Folorennca halkaasi oo ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ay ka howlgalaan.

Fahfaahin kala soco wararka dambe ee Garowe Online.

GAROW ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM