Qarax culus oo ka dhacay gobolka Baay iyo wararkii u dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax culus oo maanta oo Axad ah ka dhacay gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya, kaasoo uu ku dhaawacmay mas'uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu Aasay ayaa lala beegsaday Kolanyo galbinaysay mas'uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasoo ka baxay saakay magaaladda Baydhabo, kuna sii jeeday deegaanka Awdiinle.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha degaanka Awdiinle, kaasi oo lagu magacaabo Cali Bakow.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan qaar kamid ah Ilaaladda Gudoomiye Cali Bakow uu khasaaro u badan dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa miino, kaasi oo mas'uuliyadiisu ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

"Gudoomiyaha Awdiinle iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo saakay lala eegtay xilli ay kasoo baxeen magaalada Baydhabo," Goobjooge ayaa sidaasi u sheegay GO.

Saraakiisha amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Gudoomiyaha iyo Askarta dhaawaca ah la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Baydhabo oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Kooxda Al-Shabaab oo awood ciidan ku leh gobolka ayaa inta badan falalkan noocaan ah ku beegsata mas'uuliyiinta mamulka Koonfur Galbeed marka ay ku safrayaan wadooyinka gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM

Dowladda Federaalka oo qorshe u dejisay Bannaanbaxa Mucaaradka ee 4-ta June

Bannaanbaxa la qorsheeyay 4-ta Juun ayaa loo arkaa tijaabo muhiim u ah xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 04:52AM