Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaaladda Diinsoor

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan hal qof ayaa lagu waramay in uu dhintay, saddex kelana ay ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo maanta ka dhacay magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday ay ahayd haween lagu magacaabo Baarliin Haaji Buulle, halka dhaawacyadda lagu tilmaamay saddex caruur ah oo ka akdhowaa meesha falku ka dhacay.

Baarliin ayaa waxaa lasoo wariyey in ay ahayd gudoomiyaha ururka haweenka degmadda. Sidoo kale, caruurta "waxay kamid ahaayeen qoyskeeda".

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa tibaaxay in qaraxu ka dhacay albaabka guriga marxuumadda, halkaas oo la aaminsan yahay in lagu aasay Miinadda.

Ciidamadda ammaanka degmadda oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa waxay bilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay.

Falalka noocaan ah ee ka dhaca degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Qaraxyadda miinooyinka ee meelaha fog-fog laga hago ayay kooxaha argagixisada ah ku beegsadaan shaqsiyaadka muhiimka ah, iyagoo qaarkood ugu xira gaadiidkooda, halka kuwa kale ay dhulka ugu duugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM

Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen nin halis ah oo kasoo baxsaday G/Hiiraan

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanaha ayaa ka baxsaday goobta dhacdadu ka dhacday kadib weerarka.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:05AM