Soomaaliya: Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , Garowe Online
Hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa saaka ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Qaraxan oo ahaa mid culus, ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Hay'adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka oo ku yaalla wadada mashquulka badan ee Makka Al Mukarama.

Dad badan ayaa ku sugnaa xarunta Jinsiyadaha iyo Socdaalka, xilliga uu dhacay qaraxa.

Saraakiisha Hay'adaha amniga ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah, oo uu watay nin aan magaciisa iyo wuxuu ahaa wali la shaacin.

Ninkan ayaa dhaawac culus waxa uu kasoo qaarey qaraxa, waxaana la dhigay Isbitaalka goobta ka dhaw. Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ayaa xiray goobta, kadibna sameeyay howlgal kaasi oo aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda qaraxan, saaka ka dhacaya wadnaha Muqdisho, iyadoo uu qeyb ka ahaa qaraxyo mudooyinkii dambe ka dhacay magaalada Caasimad ah.

Shacabka Muqdisho ayaa weli maandkooda ka guuxaya qaraxii 14-kii Oct ee Isgoyska Zoobe, kaasi oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey