Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

MUQDISHO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo subaxnimadii Talaada maanta ah ka dhacay xaafada Beerta Khaadka, meel ku dhow Isgoyska Seybiyaano degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta degmada ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in qaraxa uu sababay gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada, kaasi oo magaciisu lagu sheegay Xasan Dheere.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Xasan iyo ruux kale oo shacab ah ay ku geeryoodeen dhacdadaasi, xili wararku ay intaasi ku darayaan inay jiraan dad kale oo dhaawac uu gaarsiiyay.

Ma jirto koox dhabarka saaratay mas'uuliyada falkaan, balse, ururka Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan beegsiyada noocaan ah ka fulisa koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Saraakiisha amniga oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa tilmaamay in ay baaritaan ay ku sameyn doonan qaraxa si ay u soo ogaadaan halka Miinada looga soo dhejiyay gaariga uu sarkaalku watay.

Xasan Dheere oo la tilmaamay in uu kamid ahaa Booliska Soomaaliya ayaa kasoo baxay hoygiisa isaga oo ku wajahnaa goobtii shaqo, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii labo kamid ah saraakiisha ugu sareysa ciidamada milatariga dalka lagu khaarijiyay weerar jidgal ah oo ay Al-Shabaab kula eegatay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey