Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax Culus oo Ismiidaamin ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay Isgoyska Sayidka, ee magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Gaari nooca SURF ah, oo lagu soo xiray walxaha qarxa lagu weeraray Barkoontarool oo ciidamada NISA ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.

Qaraxa kadib, Rasaas xoogan ayay ciidamada NISA rideen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta.

Ciidamada ayaa xiray wadadka, oo ah mid aad u mashquul badan, kuna dhaw xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al shabaab, ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa.

GAROWEONLINE


Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM