Qarax ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Ugu horeyn, qarax Miino oo lala beegsaday shacab ku sugnaa Goob ay kusoo bandhigayeen ciyaar Dhaqameed oo ku taala xaafada Degaan-dega ee caasimad goboleedka Bay, waxaana ku dhimatay 2 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 13.

“Qaraxa waxaa uu ahaa Miino bartamaha meesha wax lagu soo bandhigayay lagu aasay. Dadka meesha joogay oo soo bandhigayay ciyaar dhaqameed waxay isugu jireen Rag iyo Dumar,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Dhanka Kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay ciidamo ka tirsan dowladda kula beegsatay xaafada Hareri-kadiyow ee isla Baydhabo inay ku dishay afar kamid ah milatariga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga oo labadaan qarax ka hadlay waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeri ah ay bixiyaan khasaraha, balse, waxay carabka ku dhufteen inay ku gudajiraan baaritaan la xiriira dhacdooyinkan.

Qaraxyaddani ayaa kusoo aadaya iyadoo Koonfur Galbeed ay yeelatay dhawaan Madaxwayne cusub, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Lafta Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 100 duqeyn cirka ah sanadkan

Weerarkan ayaa qeyb ka ah taxane hawlgallo ah oo Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya si loo la dagaallamo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    29-11-2025

  • 09:09AM

Soomaaliya: Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay howlgal ay fuliyeen Jubbaland iyo Danab

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab oo si guul leh ugu sii siqaya Jilib ayaa haatan kordhiyay aagga ay ku shaqeeyaan.

  • Soomaliya

    29-11-2025

  • 07:20AM