Qarax ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiil boolis oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay gudaha Guriga uu bariga Beledweyne ka degan yahay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow.

Wararka ayaa sheegay in guriga uu ka maqnaa Cumar Baadiyow xilliga qaraxa, waxaana labada ruux ee dhaawaca uu kasoo gaarey falkan ay yihiin shacab, oo midkooda tahay gabar yar oo katirsan qoyska mas'uulkan.

Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga gobolka ayaa sidoo kale qeyb ka deganaa dhismaha la qarxiyay, oo ku yaalla meel ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan, oo amnigeeda aad loo adkeeyo.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya gawaari nooca raaxadda ah, oo gubatey kuwaasoo la sheegay inay yihiin gaadiidka Gudoomiyihii hore ee gobolka iyo mas'uulka kale ee la degan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa miino, oo u muuqday mid la doonayay in lagu khaariyo Cumar Baadiyow, iyadoo saraakiisha amniga wali aysan fahfaahin ka bixin dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM