Qarax ka dhacey Hotel SYL ee magaalada Muqdishu [Dhagayso]

Image

21 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Mudishu ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Hotel SYL oo ku dhaw madaxtooyada Villa Somalia.

Qaraxa waxaa gaystay Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu gaystay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Khasaaro xooggan ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen labada Hotel ee SYL iyo Siyaad.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa daganaa hotelka, waxaana la sheegay inay caafimaad qabaan inkastoo badi wasiiradii ka socday Puntland ku maqnaayeen shirar.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in gabi ahaanba uu dumay Hotelka, waxaana haatan xiran goobta uu qaraxu ka dhacay oo waxaa ku sugan ciidamo ammaanka.

Ma aha markii ugu horaysay oo qarax ka dhaco hotelka SYL ee magalada Muqdishu.

Faah-faahinta wararka dambe kala socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM