Qarax ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in caawa oo Sabti ah uu ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Nooca qaraxa iyo bartilmaameedka waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee xarunta gobolka Mudug.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa laguna weeraray huteel ay ku sugnayaeen saraakiil ciidan.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkan noocaan ah looga bartay xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in rasaas culus ay maqleen qaraxa kadib.

Goobjoogeyaal u waramay bogga GO ayaa sheegay in ciidamadda ammaanka ay durba tageen meesha ay wax ka dhaceen

Gaalkacyo waa magaalo dhinaca waqooyi uu ka jiro maamul hoostaga Puntland, halka dhanka koonfur uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaaradda Somali Airlines oo dib u howlgelin doonta dhamaadka sanadkan 33 sano kadib

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 07:21AM

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo yeeshay si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 06:33AM