Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ugu yaraan 5 qof ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qarax xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo, oo xarun ku meelgaarka ah u ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay bar-koontarool oo Koonfurta magaaladda ku taala, halkaasi oo ay Ciidanka Koonfur Galbeed ku qaadaan Canshuurta.

Fahfaahino horudhac ah ayaa muujinaya in goorta ay miinada qarxeysay ay goobta taagnaayeen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah.

Mid kamid ah dadka rakaabka ah oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in miinada ay sababtay burbur soo gaarey gaadiidka qaarkood.

"Qaraxa wuxuu ka dhacay Koontaroolka Ciidamada amniga Koonfur Galbeed ku sugan yihiin, kuwaasoo canshuur ka qaada gaadiidka aada dhinaca magaalada Baardheere," ayuu yiri Goobjoogaha, isagoo intaasi ku daray in dadka geeriyoodeey ay isagu jiraan askar iyo shacab.

Saraakiisha amniga oo goobta gaarey waxyar kadib qaraxa, ayaa sheegay in dhowr qof oo ku dhaawacmay weerarka la dhigay Isbitaallada, waxayna ku eedeeyeen falkan argagixiso inay ka dmabeyso Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa Baydhabo wuxuu noqonayaa midkii labaad oo Koonfurta Soomaaliya ka dhaca maanta, iyadoo midkii hore oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarax lagu soo xiray lala eegtay goob canshuurta lagu qaada oo ku dhaw Dekadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM