Qarax lagu dilay mas'uul oo ka dhacay Soomaaliya

Image

MAXAAS, HirShabelle – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo maanta oo Jimco ah ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay Miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa ka dhacay bartamaha degmada Maxaasi ee gobolkaasi.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi, Cabdirashiid Cusmaan Carab.

Dadka degaanka iyo goobjoogayaal ayaa intaasi ku daray in laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxaasi, oo jugtiisa ay cusleed.

Maamulka degmada oo cambareeyay weerarka ayaa tacsi u diray ehelada uu ka baxay Marxuum Cabdirashiid.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka dhaca ficilo noocaan ah, kuwaasi oo kooxaha argagixisada ah ku khal-khalgelinayaan nabad-gelyadda.

Degmada Maxaas oo dhacda bariga Hiiraan ayaa qiyaastii waxay 130 KM u jirta xarunta gobolkaasi ee Beledwayne oo hoostagta maamulka HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM