Qarax lagu weeraray saldhig ciidanka Soomaaliya ee Awdheegle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxa qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Arbaco ah.

Fahfaahino horudhac ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus xili dadka degaanka ay soo wariyeen in jugta qaraxa ay ahayd mid aad looga maqlay guud ahaan tuuladda.

Iska hor-imaadka ayaa la tibaaxayaa in uu u dhaxeeyay ciidamada ku sugan saldhiga iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo duulaanka soo qaadey.

Saraakiisha amniga oo ka gaabsaday in ay bixiyaan tafaasiil dheeraad ah ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa is-miidaamin, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan oo aysan cayimin tiradda saxda ah.

Degaanka Awdheegle oo qiyaastii 70 KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowaan qabsaday xoogaga dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Duulaankan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo taliska ciidamadda Soomaaliya uu shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Shaam oo ku dhow Awdheegle ay ku dhaawaceen afhayeenka kooxdaasi.

Sheekh Cali Maxamuud [Cali Dheere] oo aysan kala caddeyn xaaladiisa dhabta ah ayaa waxaa uu kamid yahay horjoogeyaasha ugu muhiimsan maleyshiyaadkaasi gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Shabeellaha Hoose, oo ku yaala koonfurta Soomaaliya, ayaa kamid ah goboladda ay joogitaanka ugu badan ku leedahay Al-Shabaab, ayna ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha ururkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM