Qarax Muqdisho lagula eegtay Ciidamo Talyaani ah [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xoog leh oo saaka oo Isniin ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamo u dhashay dalka Talyaaniga.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nooca NOAH ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasii la dhigay jidka Warshadaha, kadibna lagu qarxiyay gaadiid gaashaaman oo ay la socdeen Ciidamada Talyaaniga.

Xaashi Nuur, oo ah Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inuu arkayay mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Talyaaniga oo goobta laga jiidayay, kaasii burbur kasoo gaarey qeybta dambe.

Ciidamada oo watey calamada Talyaaniga iyo mid Midowga Yurub, ayaa lagu weeraray qaraxa xilli ay kasoo baxeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigg ee Magaalada Muudisho.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ciidamada Talyaaniga kasoo gaarey weerarka, kaasoo ay mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Laakiin, waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxa kuwaasi oo marayaya wadada xilliga weerarka, waxaana la dhigay Isbitaal.

Midowga Yurub ayaa taageero dhaqaale iyo mid military siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ee ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM