Qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo maleynayo in uu ka dhashay gaari kaasoo jugtiisa si weyn looga maqlay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa Arbacada maanta ah dhacay.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa ku waramaya in weerarka oo aysan wali jirin koox sheegatay uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Sayid ee magaalo madaxda.

Goobjoogeyaal la hadlay warsidaha GO ayaa ku waramaya in gaariga uu ku qarxay kontarool laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Bartilmaameedka falkan ayaa ah mid aan wali caddeyn, inkasta oo meesha uu ka dhacay uu ku yaalo mid kamid ah kontaroolada ugu muhiimsan ee xarumo dowladeed.

Qaraxaan, oo laga cabsi qabo in uu khasaaro xoogan sababo, ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay liddi ku ah ammaanka oo sanadkan cusub ee 2020-ka ka dhaca Muqdisho.

Sawirro laga qaadey meelo fog-fog ayaa muujinaya uuro iyo qiic badan oo hareeyay goobta uu qaraxu ka dhacay oo mashquul badan xiliga uu weerarku dhacay.

Taliska Booliska oo si kooban ula hadlay Garowe Online ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay sugeen amniga meesha ay wax ka dhaceen dibna ka bixinayaan tafaasiisha.

28-kii December, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar is-miidaamin oo ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan ku dilay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM