Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo warara kala duwan ay kasoo baxayaan nooca uu ahaa iyo halka lala eegtay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay meel ku dhaw xarunta Jaalle Siyaad, oo saldhig Military u ah Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Militeriga.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidamo ajnabi ah, oo loo maleynayo inay yihiin kuwa u dhashay dalka Talyaaniga oo Xerada Tababar ku siiya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid magaalada, oo mudooyinkii dambe martigelinaysay qaraxyo iyo dilal joogto ah.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe Haddii Alle idmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM