Qaraxyadii xalay oo reebay saameyn xanuun badan [Daawo]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Burbur xoog leh ayaa saaka lagu arkay Isgoyska Jubba [KM-0], oo ah goobtii uu ka dhacay qaraxii kowaad ee xalay, iyadoo dhanka kale ay sii kordhayso khasaaraha dhimashada oo hadda ay caga-cageynayso 30.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur xoog leh oo gaarey dhisamooyin ay kamid yihiin Hotel Dorpin [Ex Bar FIAT], oo maalmo kahor la daah-furay iyo dhisamaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid ka dhashay Gaari walxa lagu soo xiray, iyadoo xilligaasi uu dhacayay ay Wadada marayeen dad badan oo shacab ah, oo ka yimid dhanka Xeebta Liido, maadaama shalay ahayd maalin Jimco ah oo dadka shaqooyinka ka nasanayeen.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa Isgoyksa Jubba, oo geestay khasaaraha ugu badan weerarkii xalay, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux.

Igoyska waxaa Barkoonatarool ku leh Ciidamada Nabada Sugida, iyadoo kaabiga ku hayso Xarunta NISA, ee Habar-Khadiija, oo kamid ah meelaha sida aadka loo ilaaliyo amaankooda magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay wadooyinka hormara xarunta Madaxtooyadda, Villa Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM