Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qaraxyo Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lagu eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, saaka oo Arbaco ah, sida ay xaqiijiyey goobjooge.

Qaraxyadda oo ahaa kuwa culus ayaa waxaa mid kamid ah uu haleelay Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM, halka midka labaad la sheegay inuu Qaraxay markii Kolanyadda ay gudubtay, sida ay dadka degaanka sheegayaan.

Warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weeraradaan Qaraxyadda loo adeegsaday, kuwaasoo soo gaaray Askarta AMISOM iyo Dadka shacab ah, balse tirada rasmiga ah wali lama xaqiijin.

Inta la hubiyay Hal qof oo shacab ahaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay Qaraxa, inkastoo aanan la ogayn Khasaaraha ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM kasoo gaaray weerarkaan.

Ciidamadda Midowga Africa, ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna kusoo jeedeen gudaha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaara ahaan xerada Xalane.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxyadaan, balse, xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradda noocaan ah ka fuliya Magaalada iyo degaanadda kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM wali war kama aysan soo saarin weerarka maanta ciidamadooda lagula beegsaday xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xili dabayaaqadda bishii hore ee July ciidamada AMISOM Qarax lagu eegtay isla xaafada Suuqa Xoolaha, markaasoo Rasaas ay fureen ay dishay Dad tiradooda lagu sheegay Saddex ruux oo shacab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM