Qaraxyo culus oo ruxay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO- Saddex qarax oo uu cuslaa dhawaqooda, kuwaasi oo isku xigay ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ee magaalo madaxda dalka Soomaaliya, galabnimada maanta oo Jimco ah.

Labo qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta Dambi baarista Soomaaliya ee Muqdisho, oo ku taala Isgoyska KM4, xili lasoo wariyay inuu fuliyay Gaari nooca raaxada oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, xili kaasi uu isna fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa.

Uuro fara badan ayaa hawada qabsaday wax yar kadib Qaraxyada ay dhaceen, kuwaasi oo jugtooda laga wada maqlay xaafadaha ku teedsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxyadda, xili goobta ay soo gaareen Gaadiidka gurmadka deg deg ah, kuwaasi oo daabulaya Meydadka iyo dhaawacyadda ka dhashay weeraradaan.

Fahfaahin dheeri ah kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM