Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa saaka oo sabti ah waxay ka dhaceen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

- Qaraxa kowaad-

Qaraxan oo ka dhacay Degmada Boondheere, gaara ahaan nawaaxiga Taaladda Daljirka Dahsoon, ayaa ka dhashay gaari nooca raaxadda ah oo ay la socdeen Saddex qof.

Mid kamid ah saddexa ruux oo ahaa Darawalka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxaan, halka dhaawac uu kasoo gaarey labadii kale ee la socotay, sida uu Warsidaha Garowe Online u sheegeen Goobjooge.

Lama xaqiijin cida ay yihiin shaqsiyaadka la beegsaday, halka ay ka shaqaynayeen, sababta gaarigooda Miinada loogu soo xiray, balse falkan ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyinka amni darada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheegay in ninka ku dhintay qaraxa gaariga lagu xiray, uu kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, iyadoo labada ku dhaawacmayna ay ahaayeen hooyadii dhashay iyo walaalkiisa.

Maamulka degmada Boondheere wali faahfaahin kama bixin qaraxaan, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, laakiin waxaa loo maleynayaa inay Kooxda Al-Shabaab ka dameyso.

- Qaraxa labaad - 

Saacado kadib, xilligii salaadda duhur qarax kale oo xooggan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Forilow, kaasi oo lala eegtay gaari uu watay Sarkaal Booliska Soomaaliya katrsan oo lagu magacaabo Cabdi Shoshow.

Dadka goobjooge ahaa ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in hal ruux oo shacab ah uu ku dhintay, labo Askari oo Ilaalada Sarkaalkana ay ku dhaawacmeen qaraxa, iyadoo uu ka badbaaday Cabdi Shooshow.

Qaraxyadan ayaa dhacay saacado kadib markii uu Gollaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya uu faray in wadooyinkii xirnaa ee magaalada Muqdisho dhamaan dib loo wada furo mudo 48 saac gudahooda.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey