Qareenka dhaqtarkii fududeeyey dilka Osama oo Peshawar lagu diley

Image

March 17, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa magaalada Peshawar ee ku taalla waaqooyi bari dalka Pakistan ku diley nin horay qareen ugu ahaa dhakhtarkii Maraykanka ka caawiyey dilka hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida Osama Bin Laden.

Qareenka oo lagu magacaabi jirey Samiullah Afridi waxaa toogtey rag hubeysan oo gaari yar watey xilli uu kusii jeedey gurigiisa. Afridi ayaa muddo ku noolaa qurbaha kadib markii loogu hanjabey in la dili doono.

Sanadkii hore ayuu dalkiisa hooyo ee Pakistan dib ugu soo laabtey isagoo sheegay in gebi ahaanba uu isaga baxay mihnadda qareennimada.

Mas'uuliyadda dilka qareenka waxaa sheegtay koox xagjir ah oo horay uga go'dey Talibanka dalka Pakistan.

GAROWE ONLINE + BBC

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM