“Qarixii Muqdisho oo dadka Soomaalida ah mideeyay”

Image

Taariikhdu markay ahayd 4tii Oktoobar, sanadkii 2011-kii, ayaa gaari kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay, lagu qarxiyay xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo markaas xafiis u ahayd wasaarado dhowr ah ee dowladdii kumeelgaarka ee Soomaaliya.

lix sano ayaa kasoo wareegatay qaraxaasi oo wixii ka horaayay maalintii sabtida ee lasoo dhaafay ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen illaa 100 qof oo u badnaa arday rajo ka qabay in deeq waxbarasho loogu qaado dalka Turkiga, kuwaas oo magacyadooda ka fiirsanayay wasaaradda waxbarashada oo halkaas ku tiilay.

Sabtidii xarunta Hargaha iyo Saamaha waxa ay markale marti u noqotay masiibo kale oo dalka ka dhacday, waxayna tani timid kadib markii dowladda ay ku dhawaaqday in Hargaha iyo Saamaha ay tahay xarunta gurmadka qarixii ka dhacay isgoyska Soobe.

Waxaa halkaas la'isugu geeyay dhalinyaro mutadhawiciin ah iyo saraakiil dowladeed oo ka shaqaynaya hawlaha gurmadka masiibadii ka dhacday isgoyska Soobe, maalintii sabtida ee ay taariikhda ku beegnayd 14-kii Oktoobar, 2017-ka.

Inta la xaqiijiyay 276 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 300 qof.

Ma jirto masiibo xadkan la'eg oo markaliya dadka intaas la'eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda dhow ee Soomaaliya sida uu sheegay madaxa gaadiidka gargaarka degdega ah ee Muqdisho, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Dhacdadan oo aysan jirin cid ku dhiirata in ay sheegato waxa ay dowladda ku eedeysay ururka Alshabaab.

Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibada, iyo xitaa dadkii siyaasadda ku kala aragti duwanaa ayaa si isku mid ah uga wada damqaday dhacdadan, waxaana socda olole loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay masiibadan.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo todobaad ka hor shir ay Kismaayo ku qabteen ku dhaleeceeyay dowladda dhexe ayaa iyaguna cambaareeyay qaraxa, waxana ay ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsado Al-shabaab, meelna la'iska dhigi siyaasadda la'isku hayo.

Balse ururka Al-Shabaab kamaysan hadlin weerarkaa dadka badan ay ku dhinteen, mana jirto koox sheegtay illaa iyo hadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka, gaar ahaan wuxuu baaq u diray dadka leh xirfadda caafimaad in ay tagaan goobaha caafimaadka si loo daweeyo dhaawacyada boqolaalka ah.

Dadka intooda badan waxa ay shubayeen dhiigooda, halka kuwa kale ay ka qeybqaadanayaan hawlaha gurmadka, sida burburka dhismayaasha oo wali hoostooda laga baadi goobayo dadka laga yaabo in ay ku hoos jiraan.

Xarunta Hargaha iyo Saamaha dadka ku sugan waxa ay sameeyeen ciwaano baraha bulshada oo ah oo loogu magacdaray Gurmad252, halkaas oo ay ku baahinayaan xogaha la xiriira qaraxa, sida dadka wali maqan, kuwa la hayo ee balse ehelkooda wali aanan helin, magacyada dadka dhintay, waxayna sidoo kale ka jawaabayaan wicitaanka dadka ehelkooda maqanyihiin.

Magaalada Gaalkacayo, koox dhalinyaro ah ayaa lacago ay uruuriyeen ku iibiyay shixnad daawo ah oo loo soo rarayo magaalada Muqdisho.

Dalka Sweden dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku sugan ayaa uruuriyay lacag ka badan $12,000 doolar oo ay ugu talagaleen gaadiidka gurmadka degdega ah ee Amin sida uu wargeyska Quartz u sheegay Cabdi Caddoow oo abuuray ciwaan bogga yabooha lacageed lagu uruuriyo ee GofundMe.

Dadka inta badan isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook waxa ay sawirkooda koowaad saarteen astaan muujinaysa murugada qaraxa, halka shirkadda Facebook ay dadka u ogolaatay in ay isticmaalaan adeeg uu qofka ku sheegayo in uu badqabo.

Dad badan oo shalay isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa dhaleeceeyay ururka Alshabaab, waxayna iyaga oo caraysan ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsado Alshabaab.

Dareenka banaanbaxayaasha waa mid ay la wadaageen dad badan oo aanan tagin dibadbaxa, dhacdadanna waxay ahayd mid mideysay quluubta Soomaalida oo dhan, in ka badan dhacdooyinkii kale ee dalka soomaray.

Inkasta oo dowladda ay samaysay dadaal aad u baaxad weyn illaa heer madaxdii ugu saraysay ay ka qeybqaadanayaan gurmadka, haddana qaraxa Soobe wuxuu banaanka soo dhigay dhaliisha weyn ee dowladda marka ay timaado in wax laga qabto masiibo heerkan la'eg ee qaraxyadu sababaan.

Adeegyada dab damiska iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ee dhaawacyada daadgureeya eek a howgala Muqdisho dhammaan waa kuwa gaar loo leeyahay.

BBC

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM