QM iyo DF oo ka hadlay Warqado xasaasi ah oo la baahiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska QM u qaabilsan kaalmeynta Soomaaliya ee (UNSOM) iyo Wasaaradda dowladda Federaalka, ayaa ka hadlay Warqado xasaasi ah, oo lagu baahiyay baraha Internet-ka, gaar ahaan "Social Media."

UNSOM ayaa Boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in Been (FAKE) ay tahay Warqad lagu sheegay in Wakiilka QM, Michael Keating u qoray Madaxweyne Farmaajo, taasi oo quseysay doorashada Somaliland.

Warqada ayaa Keating uga jawaabay warqad kaloo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo u diray beesha caalamka, taasi oo uga codsaday inay taageeraan Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Keating ayaa qoraalka la been abuuray ugu jawaabay Farmaajo in Beesha caalamka ay ka diiday codsigiisa in Cabdiraxmaan Cirro la teegaaro, maadaama isaga uu yahay shaqsi aaminsan midnimada Soomaaliya.

Warqadan oo soo baxday taariikhdu markay ahayd 3-dii September, ee sanadkan 2017 ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha caalamka ay ixtiraamayso aragtida Madaxweyne Farmaajo ee midnimada Soomaaliya, balse aysan dhinac la safan karin musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Somaliland.

"Ma taageeri karno musharax kamid ah musharaxiinta Somaliland, waayo ma doonayno in xasilooni darri ka abuurno gobolkan caalamka katirsan," ayaa loogu jawaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka waxa kaloo ku xusan in Farmaajo uu saaxiibada caalamka ka dalbaday in la go'doomiyo Somaliland, sidoo kalena dembiyo dagaal lagu soo oogo Madaxweynaheeda hadda talada kasii dagaya iyo Muuse Biixi oo kawada tirsan Xisbiga KULMIYE, lana soo taago maxkamadda ICC ee magaalada Hague (Heeg).

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa isna beeniyay warqad kaloo soo baxday Taariikhdu markay ahayd April 1, 2017, taasi oo uu u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar.

Yuusuf Garaad ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in warkan uu yahay mid la been abuuray, oo aan waxba ka jirin, isagoo tusaale usoo qaatey in sumada Warqada kore lagu qoray dowladda KMG ee Soomaaliya.

Qoraalkan oo Luuqada Ingiriiska ku qoran, ayaa cinwaan looga dhigay Fursad Siyaasadeed oo ka jirta waqooyiga Soomaaliya, isagoo markaasi ugu baaqay beesha caalamka in la taageero xisbiga Waddani.

Dowladda Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa siyaasadda Hal Soomaali, sidaasi darteedna waxaan doonaynaa in la taageero Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbigiisa Waddani, oo horseedi kara in Somaliland kusoo celiyaan midnimada.

Labadan Warqadood oo ay beeniyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo UNSOM ayaa kusoo beegmaya xilli ay mudooyinii dambe soo kordhayeen Warqado laga been abuuray Hay'adaha dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Warqadaha la been abuuro ayaa wata Astaamaha Xafiisyada madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana lagu jawhaareeriyaa warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.

Warqadda UNSOM beenisay;

Warqadda Yuusuf Garaad beeeniyay;

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM