Qodobada looga hadlay kulanka Shariif iyo Swan oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK – Xisbiga uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa fahfaahin ka bixiyey kulan dhexmaray madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya iyo wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan.

Kulankaan gaarka ah ayaa wuxuu ka qabsoomay magaalada London ee cariga waddanka Ingiriiska, sidda ku xusan qoraalka.

Labadda mas’uul ayaa booqasho shaqo ku joogay Boqortooyadda Britain, halkaasoo ay siyaabo kala duwan kula kulmeen Jaaliyadda.

Hoos ka akhriso qoraalka xisbiga Himilo Qaran

Kulan ay ku yeesheen Magaalada London Madaxweynihii hore ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa looga hadley arrimo ay kamid yihiin.

In Doorashada Galmudug ay noqoto mid Process-keeda loo wada dhanyahay

Qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay qaabkeeda

Iyo Xal u helidda khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada


Qaramada Midoobay ayaa horey u caddeysay mowqifkeeda ku aadan in doorashadda Galmudug noqoto mid loo dhan yahay iyo in coddeynta guud ee 2020-21 aysan waqtigeeda ka dhib-marin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM