Qodob ay tahay in laga saaro ajendaha wada hadalada DF iyo Somaliland

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadyadii lasoo dhaafay hadalhaynta ugu badan siyaasadda Soomaaliya ayaa ahayd wada xaajoodyadda dowladda federaalka ah iyo Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii.

Wada hadaladda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii xilligaasi oo Imaaraadka iyo Turkiga lagu kala qabtey ayaa waxaa loo maara la'yahay hal qodob, sida ay sheegtay Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah.

Warbixin ICG ay soo saartay bishan ayaa waxaa gebi ahaanba meesha looga saarey in dal uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, sababo ku aadan in wadan kasta uu eeganayo danihiisa, taasi oo aan soo saareyn maxsuulka la rabo.

Hay’adda ayaa codsatay in Ururka Midowga Afrika uu u kala dabqaado labadda dhinac, halkaasi oo ay ku tilmaamtay madasha ugu wanaagsan ee ay ku kala gar-naqsan karaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Sidda lagu xusay qormadda, waxaa jira qodob ay tahay in si ku meel gaar ah looga saaro ajendaha ay labada dhinac ka doodayaan kaasi oo ah maqaamka Somaliland ee gooni u goosadka ah, waana arrinta xalka loo la'yahay.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland kana mid ahaa saraakiishii la dagaalamay dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku cel-celiyay in ay la hadli doonin dowlada federaalka "inta ay ka aqoonsaneyso" qadiyadooda.

ICG ayaa ku talisay in dhinacyadda ay is-afgarad ka gaaraan inaha bini'aadanimadda, ammaanka iyo dhaqaalaha. "Arrinta qadiyadda waa in dib loo dhigaa hal sano, illaa iyo 2020-ka," ayay tiri warbixinta.

"Is-afgarad ay ka gaaran qeybaha bini'aadanimadda, ammaanka iyo dhaqaalaha waxay faa'iido u tahay labada dhinac iyo gobolka Geeska Afrika," ayay ku dartay.

Al-Shabaab waa khatarta amniga Soomaaliya iyo qaar kamida wadamada gobolka, warbixinta waxay soo jeedisay in Somaliland ay xukuumada federaalka kala shaqeyso dhanka xuuraanka si loo wiiqo kooxdaasi.

Soomaaliya ayaa haatan qeyb ka ah iskaashi saddex geesood ah oo ay Itoobiya hormuud ka tahay in ay ku lamaan-san tahay Eritrea kaasi oo ujeedkiisu yahay in wadamada Geeska Afrika ay is-dhexgal dhinac walba sameeyaan.

"Geeska Afrika wuxuu hiigsanayaa is-dhexgal dhaqaale, Soomaaliya iyo Somaliland oo aanan arrintaasi wada ogol ka gaarin waxay caqabad ku noqon kartaa yoolka gobolka iyo kan qaarada," ayaa lagu yiri faaladda.

Caalamka ayaa Somaliland u aqoonsan maamul goboleed ka tirsan dowladda federaalka oo dhowaanahan qaadey talaabooyin ay sheegtay in ay ku adkeyneyso midnimadda iyo wadajirka qaranka.

Markii uu Biixi booqdey halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dalkaasi oo ah Gini, waxayna u digtay wadamo kale oo ku howlan falal wax u dhimaya madax banaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabey guddi la xaajooda Somaliland. Balse Somaliland iyo Puntland waa ay qaadaceen guddigaasi, oo ka kooban lix xubnood oo qaarkood ay gobolada waqooyi kasoo jeedan.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid cakiran, iyadda oo aanan laga horudhici kara halka ay wax kusoo dhamaan doonan, wallow ay dadka qaarkii muujinaya rajo wanaagsan oo ku aadan in xal la gaari doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM