Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo malaayiin Doolar loo balanqaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 100 dal oo xubin ka ah Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa balanqaadey in ay bixin doonan 334 milyan oo Doolar si deynta looga dhaafo Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee IMF ayaa warkaas daaha kaga rogtay war-saxaafadeed ay soo saartey, maanta oo Arbaco ah, 26-ka Febraayo, 2020.

Iyaddoo qaanta ay gaareyso 5.3 bilyan, habka cafinta oo loo marayo hanaan ay diyaarisay IMF oo Soomaaliya ay waajib tahay in la raaco ayaa qaadan karta waqti aan la cayimin.

Kristalina Georgieva ayaa carabka ku dhufatay in yaboohan ay heleen uu hoos u dhigayo deynta guud ee lagu leeyahay dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

"Iyaddoo ay jiraan caqabado, tani waa calaamad cad oo muujineysa in xubnaheena ay aqoonsadeen dedaalka Soomaaliya ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo maaliyadda," ayay tiri.

Si uu dalka ugu guuleysto ansixinta u dambeysa, waa waajib ah in uu natiijo fiican uu ka keeno layliga IMF ee ku saabsan barnaamijka dhaqaalaha iyo dib u habeynta maaliyadda.

Intaas waxaa wehlisa in dalalka deynta leh dib loogu celiyo dhaqaalahooda ama in leysku raaco istaraatiijiyad lagu dhaafayo qaanta.

Bangiga Aduunka ayaa dhowaan wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya ay u qalanto in waqti xaadirkaan laga cafiyo deynta lagu leeyahay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in go'aanka ugu dambeeya ee deyn cafinta uu soo bixi karo dhamaadka bisha Maaj.

Sidda ay sheegeen hay'addo kala duwan, inta badan deynta lagu leeyahay Soomaaliya waa maalgelin la sameeyay kahor 1990-kii.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii hay'adda IMF ay daboolka ka qaadey in ay furantay maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya. Tan iyo xiligaas, wadamo kala duwan ayaa sameeyay yabooh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM