Qadar oo wadda qorshe ka dhan ah macdanta uranium-ka ee Soomaaliya

Image

ROMA, Italy – Dowladda Qadar ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto macdanta uranium-ka ee Soomaaliya si ay uga iibiso Iiraan, sidda uu ku waramay bogga Talyaaniga kasoo baxa ee lagu magacaabo Varese Press.

Dooxa iyo Tehran ayaa leh xiriir dhanka kala iibsiga kheyraadka dabiiciga ah gaar ahaan Shidaalka, waana mid kamid ah suuqyadda dhifka ah ee Iiraan ay u haysato shidaalkeeda maadaama Mareykanka xayiraad saarey.

Macdanta uranium-ka ayaa kamid ah maadooyinka muhiimka u ah sameynta hubka wax u gumaadda ee Nuk-liyeerka oo Iiraan ay haatan ku howlan tahay, talaabadaas oo reerka Galbeedku kasoo horjeedaan.

Warbixinta jaraa'idka ma bixin fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan qaabka Qadar ay dooneyso ay ku qabsato macdanta uranium-ka ee Soomaaliya, balse waxaa sanadihii dambe xooganaa joogitaankooda.

Tan iy markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, Dooxa ayaa sarre u qaadey joogitaankeeda dalka, iyaddoo ka fuliso mashaariicyo aan laga biixn tafaasiil badan.

Badi mashaariicda waxay u badan yihiin degaanada xeebaha, taas oo dhankeeda ay su'aallo ka keeneyn siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka ah.

Fahad Yaasiin Daahir, madaxa hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka isla markaana horey wariye uga soo ahaa Telefishinka Al Jazeera, ayaa la sheegay in uu yahay isku xiraha Qadar iyo dowladda hada jirta.

Sidoo kale, Fahad ayaa la aaminsan yahay in uu yahay ninka ugu awooda badan xukuumadda federaalka isla markaana uu Qadar kasoo qaadey dhaqaalihii lagu doortay Farmaajo, bishii Febraayo, 2017-kii.

Xaqiiqada hadda soo ifbaxday ayaa kusoo aadeysa xilli ay horey u jireen eedeymo ay kamid yihiin in Qadar ay dooneyso in ay Soomaaliya ka dhigto meel ay kala dirirto dalalka gobolka iyo taageerada argagixisada.

Wargeyska New York Times ayaa wariyey in qarax ay Daacish ka geysatay dekada Boosaaso oo lagu dilay madaxii DP World lagu fuliyey codsi ka yimid Qadar, wallow eedeymahaas ay iska fogeysay Dooxa.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa dhowaan warisay in Qadar ay kaalin fududeyn ah ka cayaartay lacagta 3-da milyan ee lagu sii daayey Silvia Romano, haweenaydii ay Al-Shabaab ku haysatay qaybo kamid ah Soomaaliya.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar iyo dalal kale oo xulafo ah ayaa xiriirka u jaray Qadar kuna soo rogay xayiraad dhulka iyo cirka ah iyagoo ku eedeeyay in ay maalgeliso kooxaha argagixisada ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM