Qorshihii dhimista ciidanka AMISOM oo la hakiyay [Sabab]

Image

NEW YORK - Gollaha Amaanka ee QM ayaa Isniintii ansixiyay qaraar lagu hakinayo qorshaha dhimista ciidamadda AMISOM, kuwaasoo lagu waday inay mas'uuliyadda amniga si tartiib-tartiib ah ugu wareejiyaan ciidamo Soomaaliya kahor 2022.

Qaraarka oo ay soo gudbiyay Ingiriiska oo uu Golluhu si wada ogol ah isugu raacay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadda Soomaaliya aysan haatan u diyaar-saneyn la wareegista amaanka dalkooda iyo weerarada Al-Shabaab oo sii kordhaya.

Matthew John Rycroft, oo ah Safiirka joogtada ah ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Gollaha ayaa difaacay Qaraarka, isagoo afka ku balaariyay in ciidamada Soomaalida qaadi karin mas'uuliyadda amaanka dalka, AMISOM-na aanan laga maarin.

Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in doorashadda Qof iyo Cod ee la rajeynayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2020 loo baahan yahay in ciidamadda AMISOM sii joogaan, si ay u sugaan amaanka guud ahaan goobaha ay ka dhaceyso doorashadda.

Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, Antonio Guterres oo dhankiisa taageeray qaraarkaan, isagoo tusaale ahaan usoo qaatay weerarkii bishii October, kaasoo ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof.

Gollahu wuxuu si buuxda isugu raacay in mudo kordhin loo sameeyo AMISOM, lagana dhigo dhimista ciidamadda kadib 31-ka May ee sanadka 2019, iyo in dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka ay ciidamo cusub keenan Soomaaliya.

Tani waxay meesha ka saareysaa qorshe horey la isagu raacay oo ahaa in dabayaaqadda bisha October ee sanadkaan howlgalka AMISOM laga dhimo 1,000 [Kun] Askari, taasoo hadda dib loo dhigay.

Howlgalka AMISOM oo ka bilowday 2007-dii ayaa ka kooban wax ka badan 20-kun oo Askar, kuwaasoo wajahaya eedaymo ku aadan in wax ka badan Tobban sano oo dalka ku sugan yihiin ay ku guuldareysteen inay sugaan kaliya amaanka caasimadda.

Al-Shabaab khatar amni ku haysa Soomaaliya, iyadoo weeraro joogta ah ku qaada Ciidamada DFS iyo AMISOM, waxaana sidoo kale weeraro ka fulisaa dalal ku yaalla Geeska Afrika, oo Kenya ugu horeyso. 

Sidoo kale, waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu Ra'iisul Wasaare Khayre uu shaaca ka qaaday in qorshaha bixitaanka AMISOM uu meel fiican marayo, islamarkaana la filayo inay dalka guud ahaan isaga baxaan sanadka 2022, siduu qorshuhu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM