Qoysas Jubbaland laga masaafuriyay

Image

21 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Kismayo ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland laga masaafuriyay 60 qoys sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada ammaanka Kismaayo.

Dadka la masaafuriyay ayaa isugu jiray Haween iyo Caruur, waxaana lagu eedeeyay inay fududeyn jireen qaraxyada ka dhaca Kismayo, maadaama Aabayaasha qosaskaasi ka midyihiin hor joogayaasha Shabaab.

Badi dadkaasi waxa loo musaafuriyay, deegaannada Jubbooyinka, sida Jamaame, Jilib, Bu'aale iyo Kamsuuma, sida uu VOA u sheegay afhayeenka ciidamada nabad sugidda Kismaayo  Axmed Maxamed Maxamud (Axmed Carab).

Wuxuu ku eedeeyay haweenka la masaafuriyay inay fududeyn jireen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada ah ee ka dhacaya magaalada.

Gawaari ayaa ka qaaday Kismayo, waxayna geenayaa goobaha Al-Shabaab ka taliso qoysaskooduna ku suganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM