Qunsuliyadda Ethiopia ee Garowe oo joojisey bixinta fiisaha

Image

April 21, 2015 (GO)- Qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee magaalada Garowe ayaa joojisey bixinta fiisaha dalkaas lagu galo.

Dad badan oo saaka tegey xarunta qunsuliyadda ayaa dib usoo laabtey kadib markii lagu wargeliyey in aan wax fiise ah la siin doonin.

Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda ayaa dadka u sheegay in sababta bixinta fiisaha loo joojiyey la xiriirto qaraxii shalay ka dhacay magaalada Garowe ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Lama oga in go'aanka Ethiopia yahay mid kumeel gaar ah iyo in sidaas lagu joojiyey hawlihii qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe.

Ethiopia ayaa horay u xirtey qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Hargeysa, waxayna laga soo bilaabo xilligaas  qunsuliyadda Garowe ahayd goobta keliya ee dadka ku dhaqan Puntland iyo Somaliland fiisaha ka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM