Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo soo dhisay Golihiisa Wasiirada

Image

January 12, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo magacaabay golihiisa cusub ee wasiirada oo ka kooban 60 xubnood oo isugu jira hal Ra'isal Wasaare ku-xigeen, 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo sagaal wasiiru-dowle.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in soo magacaabista xukuumaddiisa uu wadatashiyo badan kala sameeyeye mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda gaar ahaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo xildhibaanada.

Xukuumadda Sharmaarke soo dhisey oo ay ka dhex muuqdaan qaar badan oo kamid ah mas'uuliyiintii xubnaha ka ahaa xukuumadii hore waxaa shaqsiyaadka cusub ee lagu soo daray kamid ah mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa Dr. Cabdiraxmaan Farole, masa'uuliyiintaas oo sida muuqata lagu soo xulay tayadooda waxay kala yihiin: wasiirkii hore ee arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir), wasiirkii hore ee qorsheynta Daa'uud Maxamed Cumar, wasiiru-dowlihii hore ee wasaarada qorsheynta Puntland Cabdiqaadir Xaashi Cali iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid iyo Maxamuud Xayir Ibraahim. 

Magacyada Wasiirrada:

  1. Ra'isal Wasaare Ku Xigeen, Maxamed Cumar Carte.
  2. Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed.
  3. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Cabdulqaadir Sh. Cali Ibrahim (Baqdaadi).
  4. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.
  5. Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane.
  6. Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamed Sh. Xasan Xaamud.
  7. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga, Cabdirixman Ducaale Bayle.
  8. Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullahi Maxamed Cali (San-baloolshe).
  9. Wasiirka Waxbarashada, Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir).
  10. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Yusuf Macalin Amiin.
  11. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamud Cali Magan.
  12. Wasiirka Arimaha Dastuurka, Cabdiqadir Cabdi Xashi (Gaabane).
  13. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
  14. Wasiirka War-faafinta Hidaha iyo Dalxiiska, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow.
  15. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cabdullahi Sh. Ismaacil.
  16. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cumar Caymooy.
  17. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdalla Boos Axmed. 
  18. Wasiirka Beeraha, Xuseen Maxamed Sheekh (Badni).
  19. Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, Axmadey Sh. Mukhtaar, 
  20. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiraxman Cabdi Cusmaan.
  21. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska, Nadifo Maxamed Cusman.
  22. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Khadiija Maxamed Diriye.
  23. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Maxamed Mukhtar Ibrahim.
  24. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Daauud Maxamed Cumar.
  25. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Abuukar Cabdi Cusman (Mardadi).
  26. Wasiirka Caafimaadka, Saciid Xuseen Ciid.

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha:

  1. Wasiiru-dowlaha Amniga Gudaha, Cabdulaahi Yuusuf Alankey.
  2. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Maxamuud Xayir Ibraahim.
  3. Wasiiru-dowlaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Khaalid Cali Cumar.
  4. Wasiiru-dowlaha Arimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, Maxamed Aadan Fargeti.
  5. Wasiiru-dowlaha Gaashaan-dhigga, Maxamed Cali Xagaa.
  6. Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Cabdulaahi Maxamed Nuur.
  7. Wasiiru-dowlaha Arimaha Dastuurka, Xasan Maxamed Jimcaale.
  8. Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra'isal Wasaaraha ee Arimaha Deegaanka, Burci Maxamed Xamza.
  9. Wasiiru-dowlaha Xiriirka Barlamanka, Caadil Sheegow Sagaar.

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada:

  1. Wasiir ku-xigeenka Caddaaladda, Cabdullaahi Bile Nuur.
  2. Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi.
  3. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Saacid Xaaji  Maxamuud.
  4. Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Fahmo Axmed Nuur.
  5. Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Cabdalla Xuseen Cali.
  6. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga, Mahad Maxamed Salaad.
  7. Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha, Ibraahim Yarow Isaaq.
  8. Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada, Xaamud Cali Xasan.
  9. Wasiir ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Yuusuf Xayle Jimcaale.
  10. Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Shariif Maxamed Xasan.
  11. Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dastuurka, Cali Sheekh Maxamuud.
  12. Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha, Maxamed Khayrow Maxamed.
  13. Wasiir ku-xigeenka War-faafinta Hidaha iyo Dalxiiska, Cabdulaahi Aadan Rooble.
  14. Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xirsi Aadan Rooble.
  15. Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cumar Geeddi.
  16. Wasiir ku-xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdishakuur Cali Mire.
  17. Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Cabdirashiid Maxamed Xidig.
  18. Wasiir ku-xigeenka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, Jamaal Xasan Ismaaciil.
  19. Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Sacadiyo Carays Ciise.
  20. Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska, Cismaan Libaax Ibraahim.
  21. Wasiir ku-xigeenka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Muumino Sheekh Cumar.
  22. Wasiir ku-xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Siciid Jaamac Qaalib.
  23. Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka, Maxamed Axmed Abtidoon.
  24. Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Cabdinaasir Gaarane Maxamed.
  25. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Cismaan Maxamuud Dufle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM