Rag Daacish ah oo loo haysto dilal oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah laba shaqsi oo lagu soo eedeeyay Daacishnimo iyo dilal qorsheysan.

Aadan Maxamed Cali iyo Cabdishakuur Xaaji Bar-sanji oo si wadajir ah u soo muuqday ayaa waxay u tahay markii labaad oo lasoo taago Maxkamadda tan iyo markii ay soo galeen gacanta laamaha amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan dilal kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso – caasimadda Soomaaliya iyo xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Dacwad oogeyaasha oo fadhigii 1aad la waydiistay in ay la yimaadan caddeymo iyo marqaatiyaal taasi oo ay horkeeneen xeer-beegtada dhageysiga labaad ayaa dalbaday in midkood lagu rido dil toogasho.

"Aadan dilalka uma uusan geysan feker Diini ah, waxa uu ahaa dhaqaale doon caadeystay in uu dhiiga dadka macaasho," ayuu yiri Cabdullaahi Buule Kamey, xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidanka Qalabka Sidda.

Falalka khaarijinta ah ee raggan loo haysto ee ka dhacay magaalada dekadda leh ee Boosaaso ayaa lagu naf-gooyey Taliyihii Gaadiidka Madaxtooyadda Puntland iyo ganacsadde caan ka ahaa xarunta gobolka Bari.

"Sidaasi awgeeda, maxkamada waxaan ka codsaneynaa in Aadan lagu xukumo dil toogasho oo ah ciqaabta uu mudan yahay," ayuu hadalkiisa ku daray Kamey.

Dilalka Muqdisho laga soo wariyey ee raggan lagu soo eedeeyay ayaa ah laba; mid kamid ah waxaa lagu beegsaday sarkaal ka tirsan ciidanka milatariga, Axmed Cali Xuseen iyo shaqsi kale.

"Qaabka uu dilalka u fuliyey Aadan waxay muujineysaa in uu ahaa mid aad u tababaran. Wuxuu joojiyey askariga, oo uu salaamay kadibna Bastoolada uu lasoo baxay," ayay yiri Muumin Xuseen Cabdullaahi, ku xigeenka Kamey.

Qareenada difaacaya eedeysaneyaasha oo qiray in Aadan uu galay dambiga ayaa dalbaday in magdhow laga qaado, balse waxay soo jeediyeen in xorriyadiisa loo celiyo Cabdishakuur oo ay ku tilmaamay mid aanan dambi lahayn.

Xasan Cali Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa shaaciyey in ay dib kaga dhawaaqi doonan xukunka maxkamada ee kiiskan.

Maxkamada Milatariga Soomaaliya ayaa horey xukuno isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxay ku riday shaqsiyaad lagu soo eedeeyay Daacishnimo iyo Al-Shabaabnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM