Ra'iisul Wasaare Khayre oo fariin u diray maamul goboleedyada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caleema-saarkii Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ka jeediyay khudbadi qiiro badan, oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

Khubaddii Ra’isalwasaare Kheyre "Waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha oo ay ahayd inuu isagu Xafladdan kasoo qeybgalo laakiin Howl qaran iyo arrimo amni awgeed aniga ayuu iisoo igmaday.

Intaasi ka sokow waxaan leenahay kuligeen waa inaan dib u xasuusano wixii dhacay 14-kii October, waxaan leenahay dadka walaalaheen ah ee ku geeriyooday alla Janadii ha ka waraabiyo, kuwa ku dhaawacmayna alla caafimaad deg deg ah hasiiyo. Inta qaraabadooda ah oo dhib soo gaareynaya waxaan leeyahay illaahay dhibka iyo xanuunka ha ka qaado.

Laakiin, 14-kii October waxaan ka baranay waxyaabo badan, waxaan ka baranay fariin ay noo soo direen Shabaab oo ahayd Fariintii ugu danbeysay, fariintaasi oo aheyd inaanay u naxayn hooyo iyo aabo, Caruur iyo waayeel, qof lacag haysta iyo mid aan heysan, qof aqoon ah leh iyo mid aan laheyn, rag iyo dumar, qof caafimaad qaba iyo qof jiran.

Waxay noo soo direen fariin ah Soomaaliyeey waxaan go’aan ku gaarnay inaan idin baabi’ino dhulkana idinka tirtirno. Sidaasi daraadeed waxaan soo dhoweynaya Khudbaddii Madaxdii iga horeysay ee ku baaqday inaan usoo istaagno halmid, hal mid oo keliya oo ah inaanay nagu dhicin mardanbe wixii dhacay 14-kii October hadii ilaahay yiraahdo.

Intaasi ka sokow, Mudane Madaxweyne Waare, waxaa horta igu taariikh ah intay jirtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, inaad aheyd nin Dowladda u shaqeeya, Isu duwaha horumarinta Beeraha ee labada Gobol aad hada Madaxda u tahay.

Maadaama Mudane Madaxweyne Magaala madaxda Hirshabeelle ay tahay Jowhar, reer Jowharna ay leeyihiin Hal ku dhig, halku dhigaasi uu yahay “Adduunyada Jowhar ka Joog Aakhirona Janadda ka joog” oo loola danleeyahay sida ay Jowhar-tahay iyo barwaaqadii maanta markaa Airport-ka kasoo degnay adigu aad indhaha nagu tustay, waxaan rajeynaynaa inaadan reer Jowhar keliya quudin doonin ee shaqadaadu Soomaali oo dhan ay quudin doonto Hadii Illaahay yiraahdo.

Waxaa noo taal shaqooyin badan oo aad adigu ugu horeyso madaama aad adigu tahay Yaraankii Dowladd goboleedyada, waxaa muhiim ah marka inaan anaguna ku garab istaagno oo kaala shaqeyno dib u heshiisiin, kaala shaqeyno sida dalka oo dhan ugu baahanyahay is cafis, kalsooni abuuris iyo isku heynta dhamaan bulsha-weynta ku dhaqan deegaanka kala duwan Hirshabeelle.

Waa inaan sidoo kale adiga iyo Dowladd goboleedyada kale oo dhan idinkala shaqeynaa soo dhisida Hay’addaha dowladd goboleedyada, si nidaamka Federaaliga ah hoos loogu daadejiyo, sugida ammniga iyo xasilinta deegaamada oo dhan, madaama aan Hirshabeelle joogno laakiin Mudane Madaxweyne Dowladda Federaalka ah waa kaala shaqeyn doontaa.

Kulligeen waa inaan kawada shaqeynaa abuuris illo dhaqaale oo aan uga kaaftoono tuugsiga, qof walboo Soomaali ah waa inuu ku foojignaadaa inaan ka wadashaqeynaa abuuris illo dhaqaale oo nagu taageerta inaan ka kaaftoono tuugsiga. Baahinta maamul dhisida oo ay ugu horeyso dib u dhiska golayaasha deegaanka oo loo helayo adeegyada bulshada oo dhameystiran.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Mudane Madaxweyne , Munaasibadan waxay kusoo aaday iyadoo wadankeenu weli uu ku jiro tacsi tiiraanyo leh, waxay noo sheegaysaa hadii uu jiray waxyar oo khilaaf ah inay ahayd tusaalaha aan ka barano inaanan xooga saarin khilaaf, oo xooga aan saarno Midnimo.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin Amni, waxay u baahanyihiin horumar, waxay u baahanyihiin xoriyad, waxay u baahanyihiin dhaqaale ay dadkoodu iyo dalkoodu ku dhaqnaadaan, sidaa ogtihiin dadka Soomaaliyeed 75% waa dad dhallinyaro ah, waxaad kaloo ogtihiin dadkaasi intooda badan inay baagamuundo yihiin, waxaad kaloo ogtihiin dhallinyarada in lagu leeyahay in ku dhow $6Billion oo xitaa aaney garaneyn meeshii ay ku amaahdeen!

Maadaama marka ay waxaasi oo shaqo ah ay inoo taallo, oo ay inoo taallo inaan marwalba ka shaqeyno sidaan u horumari laheyn, sidii dadku isugu soo dhowaan lahaayeen, sidii aan u dhameystiri laheyn Dastuurka qabyada ah , sidii aan u gaarsiin laheyn dadka doorasho hal qof iyo hal cod 2020-ka, sidaan uga shaqeyn laheyn in xiriirka Dowladda federaalka iyo dowladd goboleeyada lasii adkeeyo, sidaan uga shaqeyn laheyn in qof walbo Soomaaliyeed ku dhiirado aqbalana dalka in lawada leeyahay, waxaan soo dhoweynayaa hadaladii madaxdii iga horeysay oo aheyd inaan Khilaafka ku bedelno Xal.

Qofkastoo naga mid ah waa inuu Kalsooni ku qabaa Dowladdnimada iyo Nidaamka Noo dhisan, Nidaamka Federaalka ah waa nidaam ay qaateen Ummadda Soomaaliyeed, jiritaankiisana waxaa go’aan ka gaaray ummada Soomaaliyeed, hadii uu qof shaki uga jiro Dowladda Federaalka ah iyo Xukuumadda waxaan hortiina ku ballan qaadayaa inaan ka shaqeynayno xoojinta Federaaleynta dalka.

Intaasi ka sokow waxaan rabaa labo qodob oo kale in aan xuso, Maalmahan waxaa muuqatay in la aaminsanyahay in Dowladda Federaalka ah iyo Dowladd Goboleedyadu ay kala tageen oo xiriirada isu jareen, si inaanu nahay labo wadan oo kala duwan oo kale.

Waxaan idiinku bishaareynaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladd Goboleedyadu inaanay meel kala aadeyn, waxaana idiin sheegaya meel walbo oo nidaam ka jiro wuu imanayaa Khilaaf laakiin khilaafka waxaa lagu dhameynayaa Wadahadal. Dowladda Federaalka ah waxaa aasaas u ah lashaqeynta Dowladd goboleedyada xubnaha ka ah, hadaanan garbno heysana ma yeeli karno inaan keligeen duulno.

Sidaasi daraadeed waxaan kusoo geba gebeynaya Gogoshii uu fidiyey Madaxweynaha oo aheyd inaan xamar isugu nimaadno kuligeen, maaha gogol la fidiyey keliya waa gogol loogu talagalay:-

Kow:- in wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan looga wadahadlo.

Labo:- in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa.

Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in kuligeen uu inaga dhexeeyo hal dal oo la yiraahdo Soomaaliya , dalkale oo noo bedeli doona dalkan ma jiro, Dalkan waa dalka keliya ee ay tahay inaan ku wada noolaano, caruurta xaqa inoogu leh inaan u sameyno mustaqbal kan anagu aan heysano ka duwana, ay tahay inaan u dhisno mustaqbalka.

Sidaasi daraadeed hadii ay qof niyadiisu xuntahay, ama uu qof isleeyahay wadankii qiil qiil buu ku jiraa, waxaan idiin sheegaya oo aan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inay naga go’antahay, aniga iyo Madaxweynaha iyo dhamaan xubnaha Golaha Wasiirada, in dalkan geedi socodkiisa nabadeed lagu soo dabaali doono wadahadal, is ixtiraam , isu dulqaadasho iyo iyadoo danta shakhsiga laga horumarin doono danta qaranka, Waa Mahadsantihiin”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM