Ra'iisul Wasaare Khayre oo ku wajahan Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa inay u ambabaxo magaalada Baydhabo, ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safarka Ra'iisul Khayre ayaa ah mid hore loo filayay oo baaqday Todobaadkan markii uu booqday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isaga iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararka aan ka helay Baydhabo ayaa sheegaya in magaalada uu ka socdo diyaargarowga soo dhaweynta Khayre, iyadoo aad loo adkeeyay amniga waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin kala duwan.

Ujeedka socdaalka Ra'iisul wasaaraha ee Baydhabo wali lama shaacin, balse wararka hoose ee Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya inuu la xiriiro qabashada Shirka Gollaha Wasiirada oo maalinta berri ah ka furmayo magaaladaasi.

Kulankan ayaa la filayay in sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhaco Baydhabo, balse baaqday maadaama maamulka Koonfur Galbeed u dabaal-degayay sanad-guuradeedii 3-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM