Khayre oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada.

Isaga oo ay hareere taagan yihiin madaxweyneyaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Khayre ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan hey'adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la'aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Daadadka oo ka dhashay markii ay qararka jabsadeen Webiyadda Shabelle iyo Jubba ayaa saameeyay dalaga beeraha. Si lamid ah waxay barakiciyeen dadweynaha.

Fahaatadaha ayaa yimid maalmo kahor markii Hay'adda FOA ee Qaramadda Midoobay ay ka digtay, waxaana xukuumadda iyo maamulada qaar lagu eedeeyay in ay k agaabiyeen wargelinta shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM