Ra'iisul Wasaare Rooble oo Xafiiska lagu wareejiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Maanta oo Axad ah Xafiiska ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo 17-kii bishan xilka u magacaabey Farmaajo.

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayay labada Mas'uul xilka ku kala wareegeen, iyadoo uusan goobta joojin Ra'iisul wasaarihii xilka laga qaadey 25-kii July Xasan Cali Khayre, oo ahayd inuu isaga sameeyo xil wareejinta.

Rooble oo haysta mudo 4 bilood ah, ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Golle Wasiirro, iyadoo soo xulista laga cabsi qabo inay waqti kale ka lumiso, islamarkaana culeys kala kulmo inuu qabto howlaha muhiimka ah, sida doorashadda.

Farmaajo ayaa dhawaan heshiis siyaasadeed oo lagu galayo doorashooyinka la saxiixday Madaxda Maamullada dalka, kaasoo shalay ay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka ansixiyeen, iyadoo hadda dalka uu yeesho heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Laguma sheegin heshiisn waqtiga doorashadda, balse waxaa ku xusan in October ay billaabanayso qorshaha doorashooyinka, taasoo loo fasiran karo inuu jiri doono mudo-korarsi farsamo [Technical extension], iyadoo inta laga soo dooranayo Baarlamanka cusub, uu sii shaqeyn doono midka hadda jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo gorgortan ugu jirta iibsashada diyaarado dagaal oo casri ah oo ku kacaya $900 Milyan

Pakistan ayaa la sheegay inay Soomaaliya u soo bandhigtay diyaaradaha JF-17 oo ka jaban kuwa reer Galbeedka.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 07:49AM

Mucaaradka Soomaaliya oo shir isugu imanaya kadib fashilka wada-hadalladii Villa Somalia

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo horay u diidanaa qaar ka mid ah qodobbada Xasan Sheekh miiska soo saarey.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 07:15AM