​Ra'isal wasaaraha oo ka hadlay Qaraxii Muqdishu

Image

Ra'isal wasaaraha dowladda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magalada Muqdishu gaar ahaan Hotelka SYL, wuxuuna sheegay in arrinkaasi yahay wax laga xumaado isagoo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay.

Weerarkii xalay ayuu Cumar ku tilmaamay mid kabaxsan dhaqanka suuban ee Islaamka, wuxuuna sheegay in kooxaha nabad-diidka ah markasta bartilmaameedsadaan dadka shacabka ah.

“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, maahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin,”Ayuu yiri Sharmake.

Weerarkii xalay ayaa ku sababay khasaaro xooggan, waxaana hadda lagu dabiibayaa cusbitaallada Muqdishu in kabadan 30 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Cabdirasaaq Cumar  Maxamed oo hadlay, ayaa sheegay in qaraxan khasaarihiisu yaraa marka loo eego ujeedkiisa, wuxuuna tilmaamay in aaladaha goobta lagu qarxiyay culays ahaan gaarayeen 200KG, kaasi oo aad uga yar weerarkii lagu qaaday Hotelka Jaziira kaasoo lagu qiyaasay 150KG.

Hadalka mas'uuliyiinta ayaa yimi xilli xalay 26 Febrayo magalada Muqdishu ka dhaceen qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada 10 ruux iyo dhaawaca 33 kale kuwaasi oo hadda lagu dabiibayo cusbitaalka Madina, waxaana mas'uuliyadda falkaasi sheegatay ururka Al-Shabaab.

Amniga magalada Muqdishu, ayaa faraha kasii baxaya, waxaana weerarkani yimi xilli dhammaan madaxda dalka ugu sarraysa ku maqanyihiin safaro ay ku joogaan waddamo kala gadisan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM