RW Khayre oo Muqdisho Kaga Tagey Wasiirkiisa Arimaha Dibada Soomaaliya [Sababta]

Image

MUQDISHO- Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmiya ku tagey dalka Ethiopia maalintii shaley ayaa sida warsidaha GO ogaadey waftigiisa waxaan ku wehelin Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axamad Ciise Cawad sababo aan la shaacin. Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha ku weheliya booqashada uu ku tagey dalka Ethiopia waxaa kamid Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo isagu maalmo ka hor ku sugnaa dalka Ethiopia ayaa safarka waxaa ku wehilyey agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Wasarada arimaha dibada iyo la taliyaha Madaxweynaha arimaha dibada Balal Cismaan. Booqashada hordhaca ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ee Ethiopia ayaa sida la rumeysan yahay waxay aheyd mid wadada u xaareysay safarka la filayey in Xasan Cali Khayre ku tago magaalada Addis Ababa.

Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalin ka hor dib ugu soo noqdeen magaalada Muqdisho waftigii uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ee booqashada ugu maqanaa dalka Ethiopia. Lama oga sababta Ra'isal wasaaraha Soomaaliya uga reebey in Wasiirka arimaha dibada kamid noqdo Waftigiisa iyadoo sida la rumeysan yahay Muqdisho horey uga sii raaceen Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada iyo la taliyaha Madaxweynaha arimaga dibada Balal Cismaan kuwasoo horey ugu weheliyey Axmad Ciise Cawad booqashadii uu ku tagey Addis Ababa.

RW Khayre iyo Wasiirka Qorsheynta oo ku sugan qolka soo dhoweynta garoonka diyaaradaha Addis Ababa

Ma aha markii ugu horeysay ee Axamad Ciise Cawad booqasho heerkeedu sidaas u sareeyo laga reebo tan iyo intii xilka loo magacaabey taasoo shaki wayn galisay sida madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya ugu kalsoon yihiin shaqada Wasiirkooda arimaha dibada. Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadii ugu dambeysay uu ku tagey dalka Qadar waxaa waftiga uu hogaaminayey ku waheliyey Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga iyadoo magaalada Muqdisho markaas uu ku sugnaa Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa hogaaminayey wafti Madaxweynaha Soomaaliya kaga horeeyey Doha kuwasoo wadada u sii xaarayey booqashada Farmaajo ee Qatar.

Axamad Ciise Cawad oo xilkaan loo magacaabey kadib markii Wasiirkii arimaha gudaha dowlada Federaalka ah khilaaf soo kala dhexgaley Ra'isal wasaare Khayre shaqada looga qaadey ayaa horey u ahaan jirey safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM