Rajo intee le'eg ayaa laga qabaa shirka Kismayo?

Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)-Magalada Kismaayo ee xarunta mamulka Jubbaland ayaa gashay xaalad ka duwan xaaladaheedii caadiga ahaa, ayadoo lagu wado maalinta berri ah oo ay taarikhdu tahay 16-ka September in uu ka furmo shirweynaha dib u heshiisinta dadka dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Guud ahaan waddooyinka magaalada ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoron yihiin hal ku dhigyo lagu boorrinayo dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Ammaanka Kismaayo oo la adkeeyay

Ammaanka guud ee xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladu ayaa la adkeeyay, waxaaa si aan kala har lahayn u socda hawlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanku. 

Waxaa gacanta lagu soo dhigay dhowr qof oo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Maamulka Jubbaland iyo ciidamada AMISOM ee jooga Jubboyinka.

Madaxda Jubba oo Kismaayo kusoo laabtay

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweyne ku xigenka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiirro  iyo xubno kale ayaa 48-dii saac ee ugu dambeeyey Kismaayo soo gaaray si ay uga qab galaan furitaanka shirka.

Hoggaanka dhaqanka, waxgaradka, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada dumarka iyo dhallinyarada ayaa lagu wadaa in ayagana ka qeyb qaataan shirka.

Hiiraale oo sheegay in shirka lasoo hormariyey iyo maamulka  oo beeniyay 

Korneyl Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan heshiis la qaatay maamulka Jubbaland ayaa sheegay in shirka dib uga dhacay waqtigii loo ballansanaa, balse waxaa warkiisa beeniyay maamulka Jubba.

Shirre ayaa sheegay in is-afgarad dhex maray asaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, Goodax Barre ay isla garteen inuu shirka furmo 1/10/2014.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlay saxaafadda ayaa beeniyay hadalka ku aaddan in shirka uu dib dhacay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in shirku xilligii loogu tala galay furmayo.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka Cabdi Baalley Xuseen ayaa isna dhankiisa sheegay in shirka waqtigii loogu talagalay ee ay IGAD, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba isla meel dhigeen uu furmayo intaas wuxuu raaciyey in xiriir ay la sameeyeen Wasiir Goodax uu sheegay in ballantu ay tahay midii horay loogu ballamay ee 16ka September.

Wafuud ku qulquleysa Kismaayo

Waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray wafuud tiro badan oo dal iyo dibad ka yimid, kuwaasoo lagu casumay ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta. Waxaa saacadaha soo socda magaalada gaaraya wafuud ka imaanaysa gobolka Gedo oo horkacayo guddoomiyaha gobolkaas Kaliis kuwaasoo isugu jira cuqaal, waxgarad iyo odayaal dhaqameed.

Wafuud ka socota urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in ay Kismaayo yimaadaan iyago ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Wafdi siyaasiyiin ah ayaa ka imaanaya Nairobi sida uu Bishaar Geeddi oo ka mid ah wafgida ku wajahan Kismaayo u sheegay GAROWE ONLINE.

Madasha shirka

Dhismaha loo yaqaan Ceymiska ayaa lagu wadaa in lagu qabto shrka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gedo. Dhismahaasi waa halka uu ku shaqeyn doono baarlammaanka Jubbaland ee aan wali la soo xulin.

Xasan Shiikh oo shirka tagaya

Warar hoose oo ku soo dhacaya war qabadka GO ayaa sheegaya in Madaxeynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaari doono Kismaayo si uu goob joog u ahaado shirka. Wasiir Goodax iyo Wasiir Xuseen Cabdi Xalane ayaa socdaalka ku wehlin doona Madaxweynaha.

Beelaha oo kala tabanaya dhibaatooyin

Guud ahaan beelaha Soomaalida ee daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kala tirsanaya dhaliilo ay midba midda kale u hayso. Burburkii dowladdii dhexe kaddib waxaa dalka ka dhacay dagaalo ahli ah oo aan waxba layskula harin. Wali waxaa muuqda raadadkii ay dagaalladaas reebeen hadday ahaan lahaayeen hanti maguurta ah oo la kala haysto sida dhulal, dhismooyin, iyo beero, waxaana lagu wadaa in guddiyo hoose loo saari doono shirka kaddib xallinta iyo dhameystirka arrimaha  beelaha daga Jubbooyinka iyo Gedo ay kala tabanayaan.

Rajo weyn ayaa laga qabaa inuu shirkan noqdo mid guulaysta, oo nabad iyo barwaaqo u horseeda dadka gobollada Jubbooyinka.

Axmed Maxamuud Jaamac
GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM