Rasaas iyo qaraxyo laga maqlay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo iyo rasaas mudo kooban socday ayaa xalay saqdii dhexe laga maqlay qeybo katirsan magaalada Muqdisho, kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig military.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu qaaday fariisin cusub oo dhawaan Ciidamo katirsan dowladda ka sameysteen Xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada Wardhigleey, ee gobolka Banaadir.

Xoogaga Al Shabaab ayaa ua adeegsaday weerarka hubka culus iyo bambooyinka gacanta, waxaana ay dagaal daqiiqado socda ay la galeen Ciidamada ku sugan xerada.

Illo kala duwan oo katirsan hay'adaha amniga dowladda ayaa uu xaqijiyay Warsidaha Garowe Online in ugu yaraan hal Askari iyo qof kale oo shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaadka ka dhacay Xamar-Jadiid.

Ciidamada oo maalmo kahor laga soo raray Jidka wadnaha, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab islamarkaana ay ka sameeyeen Xaafadda howlgal lagu soo qabtey dad badan.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli xalay uu fariisamaha ay ku sugan yihiin Ciidamada amniga uu kormeer ku tagey Wasiirka amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow iyo xubno katirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM