Maxaabiis Al-Shabaab ah oo toogasho ka geystay Xabsiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah ilaalada xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho ayaa Axada maanta ah waxay ku geeriyoodeen rasaas laga dhex-maqlay jeelkan ugu weyn caasimadda Soomaaliya.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo la xiriira dhacdadaan oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo taliska xabsiga. Xiriiro lala sameeyay kama jawaabin wicitaanka telefoonadooda.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in xabada uu bilaabay maxbuus bastoolad ka dafay waardiye isla markaana uu bilaabay in uu si aan kala sooc lahayn u toogto ilaalada jeelka.

Sarkaal sababo jira awadeed uga gaabsaday magacaabiis ayaa u xaqiijiyey GO in maxbuuska weerarkan fuliyay uu ka tirsan yahay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

"Maxbuuskaas wuxuu ka baxsaday jeelka kahor inta aysan toogasho kale ka bilaaban gudaha xabsiga," ayuu hadalkiisa raaciyey sarkaalka noo waramay oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Khasaaraha guud ee ka dhashay shaqaaqadaan waxaa ku socda tirkoob. Sarkaalka sidda hoose ugu waramay GO wuxuu xusay in baaritaan lagu sameyn doono shaqaaqadaan.

Maxaabiista Jeelkan waxaa kamid ah dagaalameyaal loo xukumay Al-Shabaabnimo iyo Daacishnimo, oo qaarkood geystay falal khaarijin ah kana dhacay magaala madaxda waddanka.

Bishii December 30-keeda sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii saddex xubnood oo Al-Shabaabnimo loo xukumay ka baxsadeen isla xabsigaan, wallow midkood lagu guuleystay in lasoo qabto.

Taliska xabsiga ayaa waqtigaas sheegay in ay isku dayayaan soo qabashadda labada maxbuus kale. Balse, ma jirto meel lagu shaaciyey hadii dib loosoo xiray xukumaneyaashaas.

Dhacdooyinka soo laab-laabtey ee laga soo warinayo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa muujinaya in ay ka jirto habac-sanaan dhanka amniga ah gaar ahaan ilaaladda, arrintaas oo cawaaqib xun ay ka dhalan karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM