RW Khayre: Heshiis ayaa lagu joojiyay Gargaarkii ciidamada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'isal Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in tallaabadaas ay ku timid is-afgarad dhex-maray labada dhinac.

Khayre oo shir jaraa'id saxaafadda ugu qabtay Muqdisho [16 December, 2017], ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan isla xisaabtan iyo daahfurnaan, taasoo keenay in baaritaan lagu sameeyo tayada, tirada iyo qalabka ciidamada dowladda Soomaaliya wixii ka dambeeyay bishii April.

Wuxuu intaas ku daray in qorshahan uu yahay mid soconaya muddo kooban, islamarkaana aan saamayn doonin gar-gaarkii ciidamada dowladda Soomaaliya ay heli jireen isagoo xusay in dowladda dhexe mar kasta u taagantahay inay daboosho wixii ciidamadu u baahdaan.

“Waxaa jira dalal naga caawiya mushaar bixinta ciidamada oo aan horay isula garannay inaan soo dhameystirno daraasadda aan soo xusay si aan u dejino qorshe dhameystiran oo qeexayo taageerada aan ka rabno iyo qaab dhismeedka ciidamada. Is-afgaradkan ayaa waxaa uu sababay in dawladda Mareykanka oo dalalkaas kamid ah ay si kumeel gaar ah u hakiso mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada,”ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya

RW ayaa meesha ka saaray inaysan haba-yaraatee jirin wax musuq-maasuq ah oo lagu hakiyay gar-gaarkaas, balse waxyaabaha la sheegayo ay tahay wax ka horeeyay Xukuumadda hada jirta taasina Maraykanku qirsanyahay.

Wuxuu ku faanay in markii ugu horaysay dowladda hada jirta ay samaysay sharci lagula dagaallamayo musuq-maasuqa islamarkaana wax looga qabanayo amniga, isagoo sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay u samayn lahaayeen ciidamo leh astaan qaran oo ka hufan waxyaabo dhaawici kara sharafta dalka iyo dadkaba.

“Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri RW Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay intii ay ku guda jireen baaritaankan inay ogaadeen waxyaabo badan oo la xariira ciidamada dowladda sida kuwo dhintay oo liiskii ku jira iyo naafo shaqaysa, taasina ay saamaxday in dowladda hada jirta ay ka war hesho xaaladda rasmiga ah ee ciidamada Soomaaliya.

"Si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan."

Wuxuu intaas ku daray in heshiis maalgalin ah ay kala saxiixdeen dowlado ay kamid tahay Maraykanka islamarkaana ay hirgaliyeen in dalkaan laga daayo Daynta oo si rasmi ah heshiisyo loola galo DFS.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Maraykanku shaaciyay in qaab musuq-maasuq ah loo maamulay deeqdii ay siin jireen ciidamada Soomaaliyeed islamarkaana baaritaan ay sameeyeen ka dhex arkeen in xeryaha qaar aysan joogjin ciidamadii loo diinwaangaliyay. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Xukuumadda Washington aysan joojin doonin caawimaada ay siiso ciidamada ay sida gaarka ah u taba-bartay ee ay gacanta ku hayaan.

Mar Khayre laga weydiiyay sida arrimaha isu qabanayaan wuxuu yiri, "Dowladda Maraykanka iyada laftigeed ayaa sheegtay inay kalsooni ku qabto DFS, tan 2aad Dowladda Maraykanka iyada laftigeed ayaa sheegtay in waxa ay ka hadlayaan ay tahay wax ka horeeyay dowladda hada jirta, tan saddexaad dowladda hada jirta iyadaa ansixisay oo Barlamanka gaysay sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa, tan afraad dowladda hada jirta iyadaa samaysay oo soo dhammaystirtay baaritaanka hufan ee lagu ogaanayay tayada, tirada, agabka ciidamada iyo xeryaha ay kala joogaan, taas macnaheedu waxa weeye waxa la idiin sheegayo waa shaqo ay hayso dowladda Soomaaliya shacabkeeduna waa inay ku kalsoonaadaan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM